Kooxo Hubaysan oo dishay Madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Wararkaka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan xalay Magaalada Gaalkacyo ku dishay Madaxii xafiiska socdaalka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee qeybta Puntland.

Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey), waxaana la dilay Marxuumka xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Waxaa Dilka geystay sida la sheegay dabley hubaysan oo aan haybtooda la garan, kuwaas oo ka baxsaday goobta dilku ka dhacay, mana jirto ilaa iminka cid sheegatay mas’uuliyadda dilka Marxuum Cismaan Faray.

Dhanka kale Ciidamada amniga Pumtland ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada howlgal lagu baadi goobayo ciddii geysatay falkaas dilka ah, waxaana caadoka noqotay G/Kacyo ugaarsi lagu hayo masuuliyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Puntland, iyadoo lagu dilay dad badan oo magac ku lahaa gobolkaas.