Duqaymo diyaaradeed oo lagu dilay Maleeshiyaad Al-Shabaab ah iyo Suldaankii Beesha Jareer.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in duqeyn cusub oo diyaaradaha Mareykanka ay geysteen lagu dilay mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo caan ka ahaa Jubbooyinka.

Duqeyn shalay barqadii ka dhacday duleedka degmada Kambsuuma waxaa lagu dilay Suldaan Cabaas Max’med Xaaji oo ahaa suldaanka guud ee Beesha Jareer weyne ee degta gobollada Jubbooyinka.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa shegtay in diyaarad Drone ah ay duqeyn la beegsatay Moota dhug dhugleey uu saarnaa Suldaan Cabaas oo caan ka dhax ahaa dhaqanka gobollada Jubbooyinka.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Duqayntaasi lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo la sheegay in tirada Shabaabka laga dilay inay gaarayso ilaa 10-ruux.