Ciidanka Xoogga oo wada howlgallo Al-Shabaab looga saarayo deegaanno ka tirsan Galmudug.

Galkacyo;-Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka C/Casiis C/Laahi “Qooje iyo ciidamo uu wato oo gaaray deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa sheegay in kooxda argagixisada Al-shabaab laga saari doono goobaha teel-teelka ah ee ay weli ka joogaan Gobolka Mudug.

Taliyaha Qaybta 21-aad oo la hadlaayey Shacabka Camaara ayaa u sheegey in Ciidamadu ay horay u sii socon doonaan, qorshohooduna yahay in la gaaro dhamaanba deeganada kale ee ay sida dhuumaaleysiga ah u joogaan maleeshiyada argagixisada Al-shabab.

Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Galmudug C/Casiis C/Laahi “Qooje,waxa uu ugu baaqay dadwaynaha in ay ciidamada Ku tageeraan hawlgalada nabad sugidda ah ee looga horjeedo kooxaha dhibaatooyinka ka wada deegaamadaasi.