Waxgarad kasoo jeeda labo beelood oo walaalo ah oo dirir ay ku dhexmartay dagmada Wanlaweyn oo heshiis xabad joojin ah gaaray.

Kulan ay goob joog ka ahaayeen xubno ka socday maxkadda ciidamada qalabka sida, maamul goboleedka koofurgalbeed, iyo kan shabeelada hoose ayaa maanta ku dhaxmaray odayaasha labada dhinac ee ay dhawaanahaan dirirtu ku dhexmareeysay dagmada Wanlaweyn ee gobalka shabeelada hoose.

Odayaasha labada dhinac oo madasha shirka ka hadlay ayaa caddeeyay in ay qaateen nabadda iyo xabad joojinta ay ku baaqeen wafdigii heer qaran iyo heer maamul goboleed ee tagay deegaankaas, iyada oo ay labada dhinac ka muuqatay in ay diyaar u yiihiin ka shaqeynta nabadda deegaanka.

Dhanka kale Col. Xasan Cali Nuur Shuute oo ah taliyaha maxkamadda cidanka qalabka sida oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay dammaanad qaadeyso badbaadinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Somaaliyeed ee sugan Wanlaweyn, isagoo ugu baaqay shacabkii ka qaxay magaalada in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodi, iyagoo laga bilaabo maantana ay dib u bilaaban karaan noloshoodii caadiga aheyd, islamarkaana ay gacan ka heli dooaan ciidanka amaanka gaar ahaan kuwa milatatiga ah ee danab, kuwaas oo ku sugan dagmada.

Qofkasta oo dhib geysta waxa uu noqonayaa qof ee ma noqon doono qabiil, isaga ayaana loo soo qabanayaa cid difaaci kartana ma jirto ayuu yiri Col. Shuute oo intaasi raaciyay in qolo kasta ay dagto meesha ay ka dagneyd magaalada.

Dadka deegaanka ayaa u riyaaaqay tallaabadan ay odayaasha deegaanku ku gaareen xabad joojin iyo in wixii khilaaf ah oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgaraf, taas oo u horseedi karta dadka deeganku in ay la tartamaaan dagmooyinka kale ee dalka guud ahaan, iyo kuwa gobalka gaar ahaan .