Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Cadde oo maaanta lagu aasay magaalada London.

Muqdisho:-Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu aaso Allaha u Naxariitee reysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde , kaas oo 1-dii bishan April cudurka Covid19 ugu geeriyooday dalkaasi Ingiriiska.

Nuur Cadde ayaa in muddo ah kula daalaa dhacayay cudurka Coronavirus, isbitaal ku yaalla London, kaas oo markii dambe uu u geeriyooday.

Maydka marxuumka ayaa la aasi doonaa 2-duhurnimo waqtiga magaalada London, oo ku beegan 4-galabnimo saacada geeska Afrika.

Dhankakale Caruurta uu dhalay Nuur Cadde ayaa waxay shacabka Soomaaliyeed ka dalbadeen inay u duceeyaan Aabahood, islamarkaana ay ugu soo baxaan kuwa ku sugan dalkaasi, sidii ay ugu tukan lahaayeen salaadda Janaasada.