Nasashada Jimcaha. Q-195aad=Somalidu mar kasta,waxay doorataan Mas’uul ay dhib ku qabaan,oo Nolosha ku cariiriyo..= 

1- Boqor ayaa faraatigiisii Daaqadda saartay, waxaa ka dafay Daanyeer. Boqorkii waxaa uu amar ku bixiyay in la soo Qabto dhamaan Daanyeerada Magaalada, 100 Daanyeer ayaa xabsiga la dhigay, laakin waxaa la garan waayaya kii faraatiga Dafay.

Caaqilkii Magaalada ayaa loo yeeray, waxa uu yiri: Hala sii daayo 99kaa Daanyeer ,hana la reebo midkaan oo kaliya. Kii la reebay ayaa la daba galay waxa uuna tagay Halkii uu Faraatiga dhigay. Caaqilkii ayaa lagu yiri: sideed ku ogaatay? Waxa uu yiri: kaligii ayuu Gooni fadhiyay, waxa aan soo xasuustay in Doqon Xoolo helay uu kaligii Gooni u fadhiisto, taana waxaan ku arkay Ganacsatada Tolkeeyga ah qaarkood. ( F.S: 1aad)

( Nin ayaa yiri: Aduunyada kale Daanyeerada ayaa wax xado, laakin Somaliya guud ahaan Tuugadii waa ka dhamaatay Alxamdu Lilaah, Maalmahaan Qof Tuuganimo lagu soo xiray ma arag. Kii kale ayaa yiri: Nagama dhamaan, Kii Xoolaha noo hayay, kii ilaalinayay, kii soo qaban lahaa iyo kii Xakumi lahaa ayaa Tuugo wada Noqday, makaa ayaa la waayay Qof la soo xiro)

2-Nin ayaa Saaxiibkii Suuqa uga hor yimid markaa ayuu ku yiri: Saacadaan Dukaankaan ayaa ka soo gatay waxaana ka bixiyay 200 Dollar. Kii kale ayaa yiri: “Doqon” ayaa tahay isla iyada oo kale ayaa Dukaankaa kale taal, waxa eyna joogtaa 600 Dollar oo kaliya. Kii Saacadii ayuu iska celiyay ,waxa uuna doontay tii 600 Dollar aheyd.

( Nin kale ayaa tegay Beerta Xoolaha “Zoo”. Dameer Faraw ayuu Dhagta wax ugu sheegay kuna yiri: Farasoow Quruxdaan ogaa!!!. Ma inta halkaan ku keeneen ayeey “Doqon” Dameer Faraw ah Kaa dhigeen? Oday ayaa isna Xafiis ugu tagay Wiil uu Dhalay Nin Geesi ahaa oo Raganimo lagu yaqiin,Wiilkii oo Wasiir ah, Odaygii ayaa Wiilkii Dhagta wax ugu sheegay,kuna yiri: Ina hebeloow ma inta Xil kuu dhiibeen ayeey “Doqon” kaa dhigeen. Walee, Annaa ku dhalee i soo raac ma jirto. “Doqn nimada” Somalia ma 600 Dollar ayaa keento mise Wasiirnimada? Ma xilka mise Xoolaha ayaa Dadka Qaar “Doqon” ka dhigo) .( F.S: 2aad)

3-Nin ayaa tagay Dukaan Kabaha lagu iibiyo, waxa uu ku yiri: waxaan rabaa kabo ah Lamber 15. Ninkii Dukaanlaha ahaa ayaa ku yiri: Qof kale miyaad u rabtaa?. Ninkii ayaa ku yiri: Maya ,Anniga ayaa Gashanayo, Anniga waxaa ila eg kabaha Lamber 40 ah, Laakin waxaan rabaa in aan gashado kabo Lamber 15 ah, Sababta oo ah sida aan cariirigaa ugu jiro maanta oo dhan ayaa Farxad iyo Raaxo dareemaa markaan iska bixiyo. ( F.S: 3aad)

( Somalidu mar kasta,waxay doorataan Mas’uul ay dhib ku qabaan,oo Nolosha ku cariiriyo, si marka ay isga eryaan ay Farxad u dareemaan)

4- Caasho iyo Duqeeda oo Laba Usbuuc ku jiray Gurigooda Norway iyaga oo ka baqayay “Coronavirus”, ayaa Duqeedu ku yiri: Xageen Nasanashada ku qaadaneynaa Axadaan ( This week end) waxa ey tiri: Sweden, Habar yar Asli ayaan u tageeynaa. Waxa uu ku yiri: Saa ulama jeedo, waxaan ka waday Nasashada ma waxaan ku qaadaneynaa, Qolka Fadhiga, ma kan Jiifka mise kan Caruurta. Yaaba irida ka bixi karo. ( F.S:4aad)

( Musharax Xildhibaan ayaa Tolkii ku yiri: Haddii aad i doorataan, ma waxaan idiin dhisaa, Dugsi Sare, Isbitaal, Mise Garoon Dayaaradeed. Waxa ey ku yiraahdeen: Isbitaal. Waxa uu hoos u yiri: waaba hadaad dib ii aragtaan)

5.Laba Nin oo Sakhraan ah oo Taagnaa Busteejada Baabuurta ee Mukayga Afgoi, ayaa waxeey arkeen Dayaarad Hawada sare maree. Mid ayaa yiri: Dayaaradaasi ma mid Ciidanaa mise waa mid Rakaab?. Kii kale ayaa ku jawaabay: waa mid Ciidan. Saaxiibkii ayaa weeydiiyay Sideed ku ogaatay? Waxa uu yiri: Haddii ey ahaan leheyd mid Rakaab ah, waxa ey istaagi leheeyd Busteejo kasta. Kii kale ayaa yiri: waa Runtaa, Sax weeyaan. ( F.S: 5aad)

( Horta Dadka Sax weeyaan, sax weeyaan ku waashay, Ma Sakhraanaa?)

6- Nin kenyaan ah ayaa oday Cabdulle ugu Faanay , Annagu hadaan Kenyaan nahay waan idinka Demoqaraadisanahay, oo inta aan hor istaago “State House-ka” Nairobi ayaan dhihi karaa: (Uhuru ha dhaco, Xisbigiisa Jubilee na ha dhaco). Oday Cabdulle ayaa yiri: yaa , yaa, taas miyaa dhib leh ,Anniguba inta “Villa Somalia- Mogadishu” hor tago ayaan dhihi karaa : ( Uhuru ha dhaco, Xisbigiisa Jubilee na ha dhaco)…… Laakiin. ( F.S: 6 & 7aad)

( Afrika miyaa Dimoqaraadiyad isugu Faanee?)

Qore: Yahya Amir