Mas’uul ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo laga helay cudurka Coronavirus.

Muqdisho:-Wararka ka imaanaya Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in masuul ka tirsan maamulka Hirshabeelle uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Wasiiru dowlaha wasaaradda cadaaladda Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa laga helay cudurka Coronavirus sida uu xaqiijiyay wasiir ka tirsan maamulkaasi.

Dhanka kale mas’uulkaan ayaa xiligan ku sugan Muqdisho, balse waxaa la sheegay in isaga oo xanuunsan uu ka yimid magaalada Jowhar ee xarunta u ah maamul goboleedka Hirshabeelle.