Wax ka ogaanshaha salaadda taraawiixda iyo ducoda qunuutka (Qaybtii 5aad)

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Salaadda cishe kaddib, waxaa sunne ah in la tukado Ramadaanka salaadda taraawiixda, labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan xadiis ay soo werisay Caa’isha Allaha ka raalli noqde, kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: qofkii Ramadaanka tukada isagoo ay ka tahay rumayn uu Allah rumaynayo iyo ajar doonis, waxaa loo dhaafay denbigiisa hore.

Bukhaari iyo Muslim waxaa kaloo ku xusan xadiis uu soo weriyay ibnu Cumar Allaha ka raalli noqde, kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: salaadda habeenkii waa labo labo, haddii uu midkiin ka baqo in salaaddii subax ay u soo gasho, hal rakac oo witri ah haku soo gaboggabeeyo salaaddii uu tukanaayay.

Bukhaari iyo Muslim saxiixooda waxaa ku xusan in Caa’isha Allaha ka raalli noqde ay tiri: rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam marna kama uusan badi jirin Ramadaan iyo maalmaha kale ee aan Ramadaan ahayn in uu tukado: 11 rakcadood, taasi waxay ina tusinaysa in salaadda taraawiixda ama salaatullaylka iyadoo aan Ramadaan lagu jirin in ay fiican tahay in lagu soo koobo 11 rakcadood, haddii uu qofku rakcada 13aad witri ka dhigana dhib ma laha.

Ma’ahan in salaadda taraawiixda lagu tukado degdegsiimo, yacni xasillooni la’aan, sida lagu arko masaajidda qaarkood, balse waxaa loo baahan yahay in lagu tukado si deggan oo xasillooni ah laguna taddaburo oo lagu khushuuco qur´aanka la aqrinayo.

Khasab ma’ahan in qur’aanka oo dhan lagu dhammeeyo taraawiixda, wax daliil ah ee loo haayana ma jiro in habeen kasta hal jus lagu dhammeeyo, muhimaduse waxay tahay in aqrinta qur’aanka lagu taddaburo, haddiise ay imaamku u fududaato in uu dhammayn karo qur’aanka oo dhan waa wax fiican, hadduusan dhammayn karina wixii uu aqriyo ayaa ku filan, hadduusan kor ka haynina qur’aanka, wuu ka aqrin karaa musxafka.

Looma baahna in ma’muumka uu gacanta ku qabsado musxafka marka la tukanayo taraawiixda, si uu ula socdo qur’aanka uu aqrinayo imaamka, waxaase ma’muumka la amray in uu aamuso isla markaana uu dhegaysto marka uu imaamku aqrinayo qur’aanka.

Sunnooyinka abu Daawuud  iyo ibnu Maaja waxaa ku xusan, xadiis uu soo weriyay abi Dar, wuxuu rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam uu yiri: qofkii la istaaga, yacni la tukada imaamka, lana dhammaysto salaadda waxaa loo qoraya tukashada salaatullaylka, sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku saxiixay saxiixul jaamic, sidaas daraaddeed waxaa fiican in qofku uu taraawiixda la dhammeysto imaamka, haddii uu qofku doono in uu tukado habeenka waqtigiisa danbe, intii uu doono ayuu tukan karaa, hayeeshe witri tukan maayo, waay witrigu labo goor lama tukado.

Saddexda rakcadood ee ugu danbaysa salaadda taraawiixda ama salaatullaylka, waxaa sunne ah in lagu aqriyo suuradaha: AlAclaa iyo AlKaafiruun iyo Assamad. 

Dheeraynta ducoda qunuutka iyo aqrinta ducooyin aan soo aroorin waxay keenaysa in ay  dadkii caajisaan, mana ahan in ducoda laga dhigo sidii duruus la bixinayo oo kale oo laga sheekaynayo: geerida, cadaabta qabriga, maalinta qiyaame, jannada, naarta iyo wixii la mid ah, qaar ahlu cilmiga ka tirsan waxayba sheegeen: in dheeraynta ducoda oo ay dadka ku dhibtoonayaan aysan sharci ahayn.

Ducoda qunuutka lagu aqriyo witriga waa sida uu sheegay Xasan bin Cali Allaha ka raalli noqde, wuxuuna yiri: rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam wuxuu i baray erayo aan ku oranayo qunuutka witriga, waana sidan: Allahummahdinii fiiman hadayta, wacaafinii fiiman caafayta, watawallanii fiiman tawallayta, wabaarik lii fiimaa acdhayta, waqinnii sharra maa qadayta, fa’innaka taqdii walaa yuqdaa calayka, innahu laa yadillu man waalayta (werin kale waxay ku daraysa: walaa yacizzu man caadayta), tabaarakta Rabbana watacaalayta, xadiiskan waxaa sunnooyinkiisa ku soo saaray Tirmidi, sheekh Albaanina wuxuu ku saxiixay saxiix sunnan Tirmidi.

Imaamka marka uu aqrinayo ducada qunuutka, ma’ahan in codkiisa uu aad kor ugu qaado, lamana doonayo in imaamka uu ku daro ducadii aan soo sheegnay shalay: erayo ay culumada isku haystaan ku dariddeeda, qaar kalena ay ku tilmaameenba in ay daciif tahay, sida: falakal xamdu calaa maa qadayta, nastaghfiruka wanatuubu ileyka.

Marka la aqrinayo qunuutka, waa in imaamka iyo ma’muumkuba ay kor u qaadaan gacmahooda, waxaana rasuulka sallallaahu caleyhi wasallam laga sugay in marka uu aqrinayo qunuutka uu gacmihiisu kor u qaadayay, sida ku xusan sunnanka Bayhaqi, wuxuuna ku sheegay in sanadkiisu uu saxiix yahay, kor u qaadidda gacmuhuna waxaa loola jeeda: in qofku uu labadiisa gacmood isugu keeno, farahiisuna aan kala bixin, kana dhigo sidii qof wax loogu shubayo oo kale.

Ducoda qunuutka ee witrigu waa sunne, haddii marmar layska dhaafana dhib ma leh, si aysan dadka caamada ahi u malayn in ay waajib tahay, marka la salaamo naqsadana wuxuu saddex goor leeyahay: subxaanal malikil qudduusi, marka saddexaadna codka ayaa kor loo qaadaya, sida ku cad sunnooyinka abu Daawuud soona weriyay Ubaya, Albaanina uu ku saxiixay saxiix sunnan abu Daawuud.

Marka uu imaamku yiraahdo: Allahummahdina, waa in la yiraahdo aamiin, laakiinse marka uu imaamku yiraahdo: fa’innaka taqdi walaa yuqdaa caleyka……….. ilaa laga gaaro: tabaarakta Rabbana watacaalayta, ma’ahan in la yiraahdo sida ay dadka qaarkii dhahaan, iyagoo qaylinaya: yaa Allaah ama xaqan ama nash-hadu iyo wax la mid ah, haddii ay dhacdana sida ay sheegeen qaar ka tirsan fuqahada: in qofkaasi uu la yimid fal bidco ah, waa in la yiraahdo: sida uu imaamku yiri oo kale ama uu iska aamuso ama uu yiraahdo: aamiin, laakiin cod hoose ah.

Marka la dhammeeyo qunuutkii aan soo sheegnay, waxaa la raacsiinaya ducooyin kooban, loomana baahna sida ay dadka qaarkii sameeyaan oo marka ay leeyihiin: aamiin oohin iyo sawaxan ku dara, haddii ay dhacdana, waa in ay oohinta ahaato mid hoose oo aan sawaxan lahayn.

Waxaa kaloo mamnuuc ah in marka la soo gaboggabeeyo ducoda qunuutka in gacmaha lagu masaxo, yacni lagu tirtiro wejiga iyo jirka, sheekh Albaani wuxuuba sheegay in arrintaasi ay tahay fal bidco ah, waxaana la sheegay in axaadiista ku soo aroortay: marka duco la dhammeeyo in gacmaha lagu masaxo wejiga iyo jirka ay yihiin axaadiis wada daciif ah, waa inoo berri iyo qaybtii 6aad inshaa Allah.