Maamulka Jubbaland oo shacabka uga digay inay tagaan xeebta Kismaayo iyo Suuqyada.

Waxaa socda dedaallada looga hortegayo islamarkaana looga gaashaamanayo cudurka Corvid-19 ayaa Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay dhaqan geliyeen awaamiirtii ay dhowaan soosaareen Guddiga Jubbaland u qaabilsan ka hortagga iyo u diyaar garoowgacudurka Corvid-19, iyagoona gebi ahaanba kala diray dadkii isugu yimid goobaha inta badan la isugu yimaado ee magaalada Kismaayo.

Ciidanka ayaa tagey dhowr goobood oo inta badan bulshadu isugu timaado, waxaana kamid ah goobahaas Maqaaxiyaha lagu shaaho iyo Xeebaha magaalada Kismaayo.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Jubbada Hoose Maxamed Naasir Guulleed Xassan ayaa dadka hortooda ka sheegey in ciddii lagu helo iyadoo burineysa awaamirtii gudigga ka hortagga iyo u diyaar garowga cudurka Corvid-19 aytallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

Taliyaha ayaa farey bulshada Jubbalaand gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Kismaayo in ay ku negaadaan guryohooda badalkeey isugu imaan lahaayeen goobaha la isugu yimaado taas oo uu ka dhalan karo ama lagu kala qaadi karo cudurka Corvid-19.