Howlgalo Baaritaano ah oo ka socda Deegaano ka mid ah Gobolka Galgaduud.

Warraka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Booliska Galmudug ayaa waxay baaritaano ka sameeyeen deegaanka Baxdo Gobolka Galgaduud.

Baaritaanka ayaa saraakiisha hoggaamineysa qarkood waxaa ay ku sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo,isla markaana looga hortagao dadka looga shakiyo inay falal amni darro ka wadaan Deegaankaasi.

Dhame Maxamed Axmed Cabdi oo ah taliyaha horkacaya Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka xalay ilaa saakay uu ka socdo deegaanka Baxdo iyo tuulooyinka hoostaga.

Wararka ayaa intaasi ku darayaan in ciidamada ay baadi goobayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, oo la sheegay in ay ku sugan yihiin koofurta gobolka Galgaduud.