Wasaaradda Awqaafta Masar oo joojisay howlihii la qaban lahaa bisha Ramadaan


Wasaaradda awqaafta ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in la joojinayo dhammaan kulamdii la isku imaan jiray bisha barakaysan ee Ramadaan Coronavirus awgeed, waxaa kaloo la joojiyay dhammaan afurkii koox ahaanta loo afuraayay oo waddooyinka la dhigaayay firaashyo waaweyn iyo bannaanka masaajidda si ay uga afuraan kumanaan kun ruux oo aan iyagu awood u helin afurka.

Waxay wasaaaraddu mamnuucday in ictikaaf lagu sameeyo masaajidda dalka Masar, waxay kaloo wasaaradda joojisay in 60 dawladood ay u dirto imaamyo ka socda AlAZHAR si ay uga qaybgalaan taraawiixda iyo duruus bixinta habeenada Ramadaanka ee dalalkaasi.

Sida la ogsoon yahay dadka Masaarida ah ee ku dhacay cudurkaasi waxay imminka gaarayaan 1,450, dadka ku geeiyoodayna waxay dhan yihiin ilaa 94, waxaana ilaa hadda cudurkaasi ka bogsooday 276.