Taliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida Oo gaaray Walaweyn

Taliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Somalia iyo xubno ka tirsan maamulka koofurgalbeed ayaa gaaray dagmada Wanlaweyn ee goblka shabeelada hoose

Taliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somalia Garyaqaan Xasan Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray dagmada Wanlaweyn ee gobalka shabeelada hoose oo dhwaanahan ay colaad beeleed ka aloosneyd.

Wafdigan ayaa ka koobnaa xubno ka socday maxkamadda ciidanka, maamulka gobalka shabeelada hoose oo ay dagmada ka tirsantahay iyo xubno ka tirsan maamulka koofur galbeed ee somalia, sida wasiirka caddaaladda ee maamulkaas.

Garyaqaan shuute oo ugu horeyn ka hadlay kulan halkaas ka dhacay ayaa sheegay in maxkamaddu ay ka go’antahay ka shaqeynta sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa, kuwii suurad xumeeyay sumacdda ummada Somaaliyeed, kuwaas oo ku kacay falal fool xun oo ka baxsan shaceerada islaamka iyo dhaqanka suuban ee Somalida, waxaana garyaqaanku sidoo kale amar ku siiyay ciidanka danab ee ku sugan dagmada Wanlaweyn in ay ka shaqeeyaan ammaanka deegaanka iyadoo cidii dhibaato geysatana ay waajib tahay in gacanta ay ku soo dhigaan, nolol iyo geeriba.

Socdaalkan madaxda makxamadda ciidanka, maamulka koofurgalbeed iyo kan shabeelada hoose ay ku tageen dagmada Wanlaweyn ayaa imaanaya ka dib markii laba beel oo walaalo ah oo wada daga dagmadaas ay diriri ku dhexmartay, taas oo ay ka dhasheen falal ka baxsan bani’aadannimada sida dad lagubay iyo kuwo si arxan darro ah loo laayay. Taaso oo ay ka dhiidhiyeen dhamman shacanka Somaliyeed.