Guddoomiye Shuute oo ciidamada amar ku siiyay in nolol ama geeri lagu keeno cid kasta oo geysata dhibaatooyin bini aadanimo

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in tallaabo laga qaadayo dadkii ka dambeeyey dhibaatadii ka dhacay degmada Walanweyn ee gobolka Sh/Hoose.

G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida oo ka hadlay kulan dhexmaray sraakiisha ciidamada iyo odayaasha degmada ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha Danab ay amar Maxkamadeed u qabaan inay Nolol ama geeri ku keenaan qofkii maanta ka ddib dhibaatooyin u geysta muwaadin Soomaaliyeed,isagoo xusay in cidii isku daydo in ay difaacdo dambiile ,iyagana la qaban doono.

Guddoomiyaha ayaa qiray in wixii Walanweyn ka dhacay ay ahaayeen wax ka fog Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed isagoo sheegay in dadkii ka dambeeyay dhibaatadaas ay mari doonaan ciqaabta ay mudan yihiin.

Dhanka kale kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka caddaaladda Koofur Galbeed, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.