Madax kala duwan oo maanta saxiixday Buugga Tacsida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Nuur Cadde.

Wali waxaa socoto tacsida horudhaca ah ee Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuun Nuur Xasan Xuseen ” Nuur Cadde ”


Wasiirka Howlaha Guud Abdi Adan Hoosow ayaa sheegay inuu Alle ka baryaayo inuu u Naxariisto Mudane Nuur Cadde,isagoo sheegay inuu ahaa Muwaadin Soomaalyeed oo ka shqeeyay in dalkaan nabad ka dhalato.

Xildhibaan Faarax sheekh Cabdulqaadir oo isna sheegay inuu rajaynaayo inuu Alle ka waraabiyo Janatu Fardowsana geliyo Ra’iisul Wasaarihii Hore mdane Nuur Cadde.

“wuxuu ahaa Siyaasi Nabadda ka shaqeeya oo ay dadkiisu jecel yihiin, waana nin ka shqeeyay in la wadahadlo oo khilaaf kasta lagu dhameeyo si nabdoon” ayuu yiri Xildhibaan Faarax sheekh Cabdulqaadir.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka Jeneraal Hassan Mohamed Hussein ” Muungaab ” ayaa ka mid ahaa dadkii maanta saxiixay Buugga Tacsida Ra’iisul wasaarihii hore Nuur Cadde.

“Wuxuu ahaa Nuur Cadde Alle ha u naxariistee halyeey mar walba ka shaqeeya Nabadda, wuxuuna ahaa siyaasi Dulmi diid ah” ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka Jen.Hassan Mohamed Hussein Muungaab.

Dhanka kale madaxda Buugga Tacsida saxiixday waxaa ka mid ahaa Xog-hayaha diiwaan gelinta Xisbiga UPD SH. Yuusuf Xuseen Jimcaale, Xildhibaan Mohamud Hussein Moge ” Kabtan Mooge ” iyo Madaxa Warbaahinta Ha’ada SOYDEN Abdirahman Elmi Hadafow