Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay duqeyn horay loo sheegay in lagu dilay dad rayid ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay duqeyn 6-dii bishan oo ku beegneyd Isniintii shalay ka dhacday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

“Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeyn kale ka fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, halkaas oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda federaalka.

Sidoo kale warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in duqeyntani ay noqoneyso tii 4-aad oo bishan gudaheeda ay iska kaashadeen AFRICOM iyo militeriga Soomaaliya, isla markaana lagu dilay illaa 21 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya warkan waxa ay ku sheegtay in duqeyntan aysan wax yeello kasoo gaarin dad rayid ah, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadka lagu dilay Jilib ay u badnaayeen rayid, kuwaas oo ay ku jireen dad waayeel ahaa.