Dad qaba Cudurka Coronavirus oo maanta lagu arkay magaalada Mandheera.

Wasiirka caafimaadka dalka Kenya ayaa goor dhaw xaqiijiyey in labo qof oo ku nool magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Labadan qof ayaa la sheegay in ay kasoo safreen magaalada Mombasa ee ku taalla gobolka xeebta ah ee dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 14 qof oo hor leh uu ku dhacay cudurka Coronavirus gudaha dalkaas.

Guud ahaan tirada dadka uu ku dhacay cudurka COVID-19 gudaha dalka Kenya waxay gaarayaan 172 qof, sida lagu sheegay tira koobka wasaaradda caafimaadka Kenya.