Ra’iisul Waasaaraha Ingiriiska oo isbitaal la dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa isbitaal la dhigay ka dib markii 10 maalmood ka hor laga helay Coronavirus, sida laga soo xigtay Downing Street.

Waxaa la geeyay isbitaal ku yaalla magaalada London ka dib markii calaamadaha Fayraska Corona ay ku sii siyaadeen sidoo kalana waxaa sare u kacay heerkulkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa weli mas’uul ka ah dowladda balse wasiirka arrimaha dibadda ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyo kulan Isniinta looga hadlayo Fayruska Corona. Mr Johnson ayaa lagu wadaa in cawa uu nagaado isbitaalka.

Mr Johnson ayaa guriga ka soo shaqeynayay tan iyo markii lagu dhawaaqay in laga helay xanuunuka Coronavirus 27-kii Maarso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa horay muuqaal barata Twitter-ka la soo dhigay uga sheegay inuu dareemayay calaamado yar oo fayraska Corona ah.