Madaxweynaha K/Galbeed oo Guddi U Saaraya Colaada WanlaWeyn.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Colaada ka socota Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday colaada Wanlaweyn, isagoo colaadaas uu ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog.

Waxaa uu sidokale shegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in ay sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Degmada Wanla-weyn iyo deegaanada hoostaga.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweeyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi loo saari doono colaada Wanla-weyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn.