Mararka Qaar Aamusku Waa Dahab!!!!

Haa!! mar kasta ulama jeedo iyo marxalad kasta in aad iska Aamusnaato oo aan waxba lagaa dhagaysan, mana wanaagsan in aad iska dhex yuurarto dad fara badan oo sheekaysanaya isna dhaafsanaya figrado iyo aaraa kala duwan ama meel u wada jeeda

Waxaa taas iyo sidaas in aad ahaato ka wanaagsan in aad meeshaas oo kale isaga kacdo oo aad sariirtaada intaad tagto iska seexato ama aad ka Aagbadelato meeshaas-
Way badan yahiin dadka Aamuskooda aan xadka lahayn oo meeshii ay tagaanba aan la maqlaynin juuqdooda, laakiin dadkaas ha moodin in hadal la’aantooda ay ugu wacan tahay qaar ka mid ah aqlaaq iyo qayim wanaagsan ay u dhasheen.
Ogoow in ay jiraan qaar aamusnaantu ay u keentay kalsooni la’aan naftooda wada buuxisay, isuna arka in ay ayba awoodin dad fara badan oo soo wada eegaya in ay wax u sheegaan–
Qaar kaloo waxaa jira Aamuskooda uu u sabab yahay xishood, inkastoo xishoodka meelahaas oo kale laga fiican yahay,loona malayn karo doqonimo iyo dadnimo xumo ku dukaashatay.
Waxaa kaloo jira in fara badan oo Aamusnaantoodu ay keentay is ilaalin iyo dambi ka carar maadaama diinta islaamku ay boorinayso in carabka iyo hadal tiradiisa aan u jeedada lahayn lagu mutaysto Naar iyo cadaab Alle.
inkasta oo dadka Soomaaliyeed ay yihiin umadaha afka uun wax isugu sheega oo qoraalkooda iyo akhrintooda ay aad u yaryihiin haddana waa khasab in ay ku bataan dad hadalyaqaan ah oo kala dhigdhigi yaqaan waadiyada hadalka iska saaran yahay ee aan xuduudda lahayn-
Bal waxaad dhagaysataa ruux Soomaaliyeed oo hadlaya, gaar ahaan kuwa marka ay hadlayaan aan hadalka raadraadin ee meela dhaw dhaw ka soo qabqabsada weeraha afku iska saarsaaran yahay, macnaha hadal yaqaan ah, shaki kuma jiro in aad jeclaysan doonto Aamuska aan goordhawayd dadkiisa aan dhaliilaynay,
Waxaad ogaan doontaa ama aad doorbidi doontaa intii aad hadli lahayd in aad iska aamusto, waxaad ogaan doontaa in hadal tirada laga wanaagsan yahay, Aamuska tarada badana uu aduun-araagaaga luminayo, markaas ka dib ayaa laga yaabaa in aad wax dhex dhexaadsato oo aadan marnaba aadan xargga goosan.
Mas’uul Soomaaliyeed ayaa maalin waxa uu la hadlayey xayn dad ah iyo wariyayaal, waxa uu yiri ” ilama xuma in shacab kasta ay ku dhaqmaan wixii ay iyaga iyo nafahooda ka raali noqdaan, wixii ay isla ogolaadaana waa wax muqaddas iyo lama taabtaan ah ku dhaqankooda xitaa haddii ay diintooda ka hor imaanayso”
Subxaana laahi- mar haddii aadan xakamayn karin hadalka kaa soo baxaya, mas’uuliyadna aad sheeganayso saw kama haboona aamuskii aan yasaynay in aad isaga sugnaato, intii aad kaymo jiq ah aad dhex jibaaxi lahayd carabkaagana aad eersan lahayd, Aduun iyo Aakhiro, sababta oo ah Anigu qofka Aamusan wax kama sheegin ee aamusnanta qaar ee nacasnimada ah ayaan dhaliilay-
Dadka qaar waxay kugu guubaabnayaan in aad badsato aamuska iyo shibanaanta. laakiin taas ma aha mid ka suurta gasha dadka wax yaqaan iyo kuwa bulshada inteeda kale indhaha u ah.
Fiiri: xaqa oo la sheego lagana hadlo gardarada iyo dulmiga kama wanaagsana in la iska aamuso intii ay wax kaa soo gaari lahaayeen sheegista xaqa iyo sida runta ay tahay,
Waa dhab in Ilaaheey uu yiri: Gacmahaaga iyo lugahaaga haku raadsan Tahluuko iyo dhibaato, laakiin taas macnaheeda ma ahan in runta iyo xaqa laga aamuso xitaa haddii aad naftaada ku waayeeyso, macnaha Aaydana waa si kale oo ka hadlayso dilka gacmaha lagu gaysto, iyo lugaha loogu socdo macsi IWM. in maxsuulkooda ugu dambeeyo ay ahaanayaan Naar oo lagu waaro.
Waxaa dhici karta in qaar wax ma hubsadayaal ah ay warkaas oo kale ay dhagaystaan isla markaana ay mas’uulkaas ku gaalnimo xukumaan iyaga oo aan si fiican u dhuuxin ujeedada warkiisaasi uga dan leeyahay mas’uulkaas-
Waxaa dhici karta qaabab kale in lala aado tafsiirka hadalkaas oo si kale loo qaato kadib markii ay dhan kale u rogaan warkii —- meeshii uu mas’uulka u waday meel aan ahayn ay warxumo tashiilada la beegsadaan sida marar badan dhacday.
Waxaa kaloo dhici karta in aan hadalkaas markii hore la duubin, oo hadal kale lagu sii kordhiyo si loo marin habaabiyo warkii isla markaana xumaan loogu bedelo si markii lagu murmo loogu soo ceshado si loo kala ogaado waxa runta ah iyo waxa beenta ah eelagu kordhiyey.
Marxaladda maanta lagu jiro waxaa yaraaday Alle ka cabsiga iyo isu naxariisashadii umaddeena lagu yaqiin waxaana dhacaysa in la iska been abuuro iyada oo dano siyaasdeed la leeyahay, ama ujeedo maldahan iyo aargudasho la isla gaadaayo-
Ma ogi waxa rogay oo dooriyey dadkii Soomaaliyeed oo isku tiirsanaata iyo samafalka aan hagarta ku jirin ka dhexeeyey-
Ma ogi faa’iidada laga helaayo ceeba sheegista iyo beenta aan jirin oo ruuxba ruuxa kale uu la dulsaaran yahay–
Ma ogi sabata dadka qaar ay u diidayaan wanaagga qaarka kale ay sameeyaan iyaga oo had iyo jeer ku andacooda daliilo aan macquul ahayn laguna sii kala fogaanayo.
Anigu ma dhahayo dadka qayladhaanta iyo hadalka xanafta leh sheega naga aamuso, laakiin waxaan dhahayaa haddii aad rabtaan in aad wax sheegtaan ama tilmaamaysaan waxaa idunku waajib ah in aad marka hore iska iloowdaan xumaan kasta oo laabahiina ka buuxda, dabadeedna aad is dajisaan oo adinkoo miir qaba aad afkaartiina u soo gudbisaan iyo dhaliishiina si usluubaysan meesha aad la rabtaan.
Laakiin ma aha in figrad gudbintiina aad ka dhigtaan qaab dagaal iyo handadaad oo kale ah, markaasna ay ka timaado fal celin la mid ah middiina oo kale, dabadeedna meeshii la rabay la gaari waayo oo sidii Geelka saliidda Macsarada shiida oo kale la iska daba wareego arintiina ay noqoto JugJug Meeshaada joog-
Haddaba iyada oo lagu xisaabtamayo waqtiga aan joogsiga lahayn iyo cimrigaan yaraanta badan waxaa lama huraan ah marka hore waa in aan is dhagaysanaa- marka xigana wixii aan isla garano aan isla meel dhignaa si aan u wada fulino, iskana iloownaa Aamuska qaar naga mid ah ay jecelyihiin in aan ahaano iyo kuwa kale ee jecel hadaltirada iyo dhaliisha mutaxan ee wax sii kala fogaynaysa, la isuguna yimaado oo kaliya maxaa naga dhiman oo aan xawligeena ku sii kordhinaa, iyada laabaha lagu wada haayo xigmadda ah “Mararaka Qaar Aamuska Waa Dahab” oo aan ula jeedo wax kasta oo xumaan ah oo kuu muuqda markaas oo kale in aan afka lagu balaarin ee si hoose looga wada hadlo.

W/Qoray: C/risaaq Axmed Absuge