Duqayn dhanka Cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Muqdisho-:Shan xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqayn xagga Cirka ah oo ka dhacday Saacadihii la soo dhaafay degaanka Xabaal- barbaar ee Gobolka Bay.

Weerarkan oo ay iska kaashadeen Ciidanka xoogga Dalka iyo howl-galka Maraykanka ee Africa (Africom) ayaa ahaa mid si weyn looga taxaddaray in aysan dhibaato kasoo gaarin Dadka rayadka ah.

War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya iyo Africom ayaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha ka dhanka ah Argagixisada, iyagoo ka feejigan in ay waxyeello soo gaadho Dadka rayadka ah ee goobahaasi ka ag dhow.