Coronavirus: Maxaa kala heysta aragtida Al-Shabaab ee Covid-19 iyo culimada Soomaalida?

Culimaa’udiinka dalka Soomaaliya ee colaaddu halakaysay ayaa haatan safka hore ka galay dagaalka lagaga hortagayo fayraska coronavirus oo waxay isku dayayaan in ay buriyeen borobagaandada ururka Islaamiyiinta ah xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Ururka Al-qaacida gacansaarka la leh ee Al-Shabaab ayaa Muslimiinta Soomaaliya uga digaya in ay ka foojignaadaan cudurrada faafa ee coronavirus ka midka yahay, kaas oo ay sheegeen in ay fidinayaan “xoogagga Saliibiyiinta ah ee dalka ku soo duulay iyo dalalka kale ee gaalada ah ee taageerada siiyaa”.

Kooxda Al-Shabaab waxay gacanta ku haysaa qeybo ka mid ah koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, waana quwad cudud leh oo toban sano iyo dheeraad jirta.

In kasta oo illaa iyo hadda Soomaaliya laga helay dad faro ku tiris ah oo fayraska corona qaaday, maamulkana wuxuu aad uga welwelsan yahay in haddi cudurku ku fido dalka ay awood u yeelan waayaan wax ka qabashadiisa.

Malcaamadihii oo la xidhay

Qiyaastii 30 sano oo ay colaad ka jirtay dalka, waxaa ku burburay xarumihii caafimaadka. Boqollaal kun oo qof oo baro kacay ayaa xeryo ku wada jira, kuwaas oo aan badanaa helin saabuun iyo biyo toona haba yaraatee, sidoo kalena aan aqoon ba waxa uu yahay in dadku kala faalalaan.

Fariinta Al-Shabaab ka soo baxday waxay sii kordhinaysaa uun welwelka xukuumadda, maadaama ururku uu horjoogsan karo gurmadka hay’adaha gargaarka sidii waagii macaluushu dhacday 2010 – 2011 ee ay u dhinteen dad lagu qiyaasay 250,000 oo qof.

Wadaadada Soomaaliya ayaa imika go’aansaday in ay ka hortagaan fariimaha kooxda.

Malcaamadihii oo kala badh carruurta Soomaaliya dhigtaan ayaa haatan la xidhay si looga hortago in cudurku uu fido.

A girl in a madrassa holds a wooden board with verses of the koran written on it in Mogadishu, Somalia - 2015

Wasaaradaha diinta, caafimaadka iyo warfaafinta ayaa wadaadada kala shqaynaya sidii imaamyada masaajidada iyo macalimiinta looga dhaadhicin lahaa in ay ka mid noqdaan waxa lagu sheegay “ciidanka la dagaalanka Coronavirus”.

“Waxay makarafoonno la istaagi doonaan isgoysyada iyo meel kasta oo dadku iskugu yimaado si ay ugu sheegaan sida looga hortago Covid-19,” ayuu yidhi Kooshin Cabdi Xaashi oo ah ku xigeenka isku duwa ka hortagga iyo la dagaalanka xagjirnimada ee xafiiska ra’isal wasaaruhu.

“Waxay kaxaysan doonaan baabuur sameecado ku rakibanyihiin sidoo kalena waxay farriimaha dadka uga sheegi doonaan masaajidada,” ayuu intaa ku daray.

Maxamed Cali Ibraahim oo ah bare jaamacadeed iyo la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda diinta, ayaa isna sheegay in fariimaha la gudbin doono ay ku jiri doonaan kuwo diimeed.

Somali man walks past a mosque

“Waxaanu ka hadli doonnaa faraxalka iyo kala faalalka dadka laakiin waxaanu sidoo kale u sheegi doonnaa sida Islaamka dadka ugu tirtirsiyo nadaafadda oo ay ka mid tahay waysaysiga iyo in xilligii Nabi Maxamed (SCW) cudurro halis ahi jireen.”

“Ciidanka la dagaallanka Coronavirus” waxay la socon doonaan shacabku in ay si haboon ugu faraxalanayaan biyo iyo saabuun iyo sidoo kale in ay kala faalalayaan oo ay masaafo badqab ah isu jirsanayaan.

Presentational grey line

Talooyiinka Islaamka ee nadaafadda:

  • Nadaafadda waa iimaanka barkii
  • Farxalo ka hor iyo ka dib cuntada
  • Farxalo ka dib markaad suuliga ka soo baxdo
  • Waysayso ka hor salaadda
  • Qubeyso ka hor salaadda maalin kasta oo jimco ah
  • Maydka hala dhaqo; Culimada qaar waxay sheegeen in xaaladda hadda taagan aawadeed ay caadi tahay inaan la dhaqin.
Presentational grey line

Marka la eego in Soomaali badani ku nool yihiin xeryo cidhiidhi ah iyo deegaanadooda kaleba, way adkaanaysaa in kala faalalkaasi suurto galo.

Meelo lagu faraxasho ayaa loo sameeyey xeryaha qaarkood laakiin Kooshin wuxu leeyahay: “Arrinta ah in dadku kala faalalaan ama kala fogaadaan waa waxa aan dadku la qabsan”.

Cismaan Aadan Dubow oo ah wasiir ku xigeenka diinta ayaa isna yidhi “waxaanu adeegsan doonaa sheekhyada iyo macalimiinta malcaamadaha si aanu uga hortagno cudurkan maadaama oo ay iyaga bulshada Soomaalidu aad u ixtiraamto”.

“Dadku iyaga ayey cid walba aad ugaga kalsoon yihiin oo waxay u sheegaan way dhagaysanayaan, waxayna aqbalayaan”.

Laakiin wadaaddada Soomaaliya waxaa horyaala caqabado adag maadaama khuraafaad badan oo coronavirus ku saabsani bulshada ku fiday.

Dadka qaar baa aaminsan in Covid-19 yahay ciqaab Allah oo Shiinaha ugu dhacday maadama uu Muslimiinta Uighurs dhibaateeyay.

Iyadoo haatan cudurku ku fiday Maraykankii ayay dadka qaarkood waxay leeyihiin ba waa cadho Allah oo ku dhacday maadaama uu Muslimiinta dhibay.

Kuwo kalena waxay iska rumaysanyihiin haddii qofku Muslim fiican yahay in aanu cudurku kuba dhacaynin.

Mid ka mid ah culimada Soomaalida Sheekh Cali Dheere, ayaa qaba in culimadu ay gacan ka gaysan doonaan burinta khuraafaadka oo ay Soomaalida ku boorin doonaan in ay xogta saxan qaataan.

Wuxuu sheegay in inkasta oo Soomaalida badankoodu yihiin Muslimiin ku dhaqma diinta Islaamka ay haatan fahmayaan in aan noloshu sidii hore ahayn.

Waxaa dadka lagula taliyey in ay guryahooda ku tukadaan oo aanay aasaskana ka qayb galin si aanay dadku aad isugu dhex gelin.

Somalis pray for victims during Friday prayer on October 20, 2017 in Mogadishu on the scene of a massive truck bomb attack in which at least 276 people were killed and 300 injured on October 14 in the deadliest ever attack to hit the conflict-torn nation

“Islaamku ma ogola wax kasta o dadka dhibaato u keenaya. Masaajidadii barakaysnaa ee Makka iyo Madiina ayaa xataa la xidhay” ayuu yidhi Sheekh Dheere.

“Hadii qof u dhinto coronavirus oo halis tahay in la maydho madku, diinteenayadu waxay ogoshahay in maydka isagoon la maydhin la aaso” ayuu intaa ku daray.

Codsi xabad joojineed

Waxa jirta cabs laga qabo in Al-Shabaab ay isku daydo in ay ka faa’iidaysato dadaalka ay wadaan culimada qaarkood.

Tusaale ahaan, waxaa dhici karta in ay dhaleeceeyaan go’aanka malcaamadaha Quraanka lagu xidhay ama ay iyagu Fatwo kale soo saaraan.

Waxay kordhin karaan ololahooda dacaayadeed ee ay ku eedaynayaan dalalka “kufaarta ah” ee shisheeye in ay fayraska Soomaalida u soo dhoofiyeen maadaama oo dadkii ugu horeeyey ee laga helay Covid-19 ay dibadaha ka yimaadeen.

Hase yeeshee, dadka qaar ayaa rumaysan in Al-Shabaab ku waayi doonto taageero haddii Coronavirus ku fido gobollada ay xukunto, maamaama oo adeega caafimaad ee ka jiraa aagaggaasi kaba sii liito ka meelaha xukuumaddu gacanta ku hayso ka jira.

Sheikh Dhere

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres ayaa ku codsaday “Xabad joojin dunida oo dhan ah” si loola dagaalamo cudurkan.

Dhinacyada ku diriraya Yemen ayaa aqbalay in ay dagaalka joojiyaan, gooni u goosadka gobollada Af-Ingiriisiga ku hadla ee Cameroon ayaa iyaguna ku dhawaaqay xabbad joojin cayiman.

Laakiin diblomaasiyiintu kuma niyad sama in Al-Shabaab hubka dhigi doonto maadaama oo tan iyo intii hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ku dhawaaqday in cudurkani dunida saaqay ay weerarro qaadeen.

Waxa se jirta rajo la babo oo ah in cudurkan dilaacay albaabada u furi karo fursad wadaxaajood lagu la yeelan karo si looga baaqsado in dadku tarab tarab u geeriyoodaan.

Wadahadallo heer hoose ah ayaa hore u dhacay waagii ay duruufta adagi dhacday oo suurto geliyey in cuntadii iyo agabkii kale ee gargaarka ahaaba la gaadhsiiyo dadka.

Dadka rajadaa qabaa waxay ku niyad sanyihiin in is afgarad kuwaas oo kale ahi suurto gelin karaan in laga hortago fayraska, ka dibna ay ba isku bedeli karaan wadaxaajoodyo culus oo kama dambaysta keeni kara in la gaadho heshiis lagu soo af-jaro colaadda sannadaha badan socotay.

Xigasho:BBCSomali