Dowladda oo qalabka ka hortagga COVID19 ku wareejisay Maamulada Banaadir,K/galbeed & Jubbaland.

Muqdisho:-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka COVID19 Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamaul Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, kaasi ah qalabka ayuu Dawladda Soomaaliya ugu deeqay Maalqabeenka reer Shiine ee Jack Ma Foundation.

Dowladdu waxay sidoo kale Maalinta berri ah ay qalab kuwaan la mid ah ku wareejin doontaa Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay Wasiirada Caafimaadka dowladda dhexe , kuwa maamul goboleedka iyo maamulka gobolka banaadir ay magaalada muqdisho ku yeesheen kulan looga hadlayay sidii wadajir looga hartagi lahaa caabuqaan saameynta xooggan ku yeeshay Caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.