Heshiis laga Gaarey Colaaddii Cadale iyo Tuulada Burdheere oo Dib loo Dhisayo.

Ku dhawaad Laba sanno ayaa ka soo wareegtay xilligii ay dhibaatadu ka dhacday Tuulada Burdheere ama Koogaar ee ka tirsan Degmada Cadale ee G/Sh/Dhexe, isku-dayo badan oo lagu doonayay in lagu xaliyo mashaqadii ku habsatey tuuladaas ayaa dhawr jeer oo hore la isku hawlay hase yeeshee waa lagu Guuldareystay!

Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedka Hirshabeelle, Madaxda Dhaqanka ee Mudullood iyo akhyaar kale oo ayaa Marar kala duwan u istaagtay inay xal u helaan dhibaatadii ka dhcday Tuulada Burdheere, nasiibdarro dadaalladaasi waa ay Shaqeyn waayeen, sababo badan awgeed.

Amuur walba aminteeda ayay fushaa, muddo dheer kadib, waxaa iminka lagu najaxay in heshiis u muuqda bilow Wanaagsan in laga gaarey dagaaladii ka dhacay deegaankaasi, kulamo qaatey dhawr bilood oo xiriir ah kadib ayay u muuqataa beelihii ku dagaalamay Tuuladaasi inay isku af garteen heshiis lagu xalinayo colaaddii horey uga dhex dhacday.

Qaar ka mid ah Odayaashii ka qeyb-qaatey waan-waantii laga dhex waday wallaalihii ku diriray tuuladaas ayaa laga soo xigtay inay labada dhinac gaareen heshiis ka kooban dhawr qodob, heshiiskaas ayaa Qodobadiisa waxaa ka mid ah:-

1-In muddo 30 cisho gudahood ah oo ka bilaabanaysa Kowda Shacbaan oo ku beegan 25 Maarso 2020- ka in dib loogu dhiso guryihii ku gubtay tuuladaasi.

2-In si Deg deg loo dayactiro Ceelkii Tuulada Koogaar.

3- In Soddon maalmood gudahood lagu furo waddooyinkii ku xermay colaadaas, gaar ahaan wadada isku xirta Xamar &. Cadale ee marta Dhanka Xeebta.

4- In wixii kale oo Tabasho ah in si Wadajir ah la isla xaliyo, iyada oo beel walba ay tagayso Soohdinteedii hore.

5- Dhaqan-galka heshiiskaas ayaa waxaa loo xil saarey Masuuliyiin ka mid ah madax dhaqameedyada labada dhinac, iyada oo Beel kasta Gacanta laga saarey magdhaw ku aadan qasaarihii ka soo gaarey Colaadddaas.

Inkasta oo haatan heshiis laga gaarey colaaddii Burdheere ayaa haddana waxaa la ogeyn sida uu heshiiskaasi u meel mari doono, dad badan ayaa soo dhaweeyay in muddo dheer kadib xal laga gaaro colaaddii waqtiga dheer soo jiitamaysay, iyaga oo bogaadiyay Akhyaartii ka soo shaqeysay heshiiskaasi.

Hubaashii waa talaabo wanaagsan oo horey loo qaadey in la nabadeeyo beelihii ku dagaalamay Deegaanno ka tirsan Degmada Cadale ee G/Sh/Dhexe.

WD:C/laahi Shiikhaalow