Ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada Gobolka Gedo.

Degmooyinka Doolow iyo Baladxaawo waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaan ah oo dhawaan ka soo gudbay Xadka Soomaaliya uu dalkaas la wadaago.

Ciidamadaan oo aan lahayn tiradooda rasmiga ah waxay todobaadkaan ka soo gudbeen Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxayna wataan Gaadiid iyo hub culus sida Taangiyo iyo Gawaarida Xamuulka ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda waxay saxaafadda  u sheegeen in Ciidamada Huwanta ah ay doonayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Degmooyin ka tirsan Gobolka Jubada Dhexe oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiyanka ah ayaa dhawaan saldhigyo ka sameystay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxay la wareegeen gacan ku heynta Garoonka diyaaradaha Degmadaas iyo qaar ka mid ah goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda.

Maamulka Jubbaland ayaa dhawaan qiray in guud ahaan Gobolka Gedo uu gacantooda ka baxay, waxayna sheegeen inay ku fara adeegayaan Jubada hoose oo ay kaga sugan yihiin Degmooyin muhiim ah, halka Jubada dhexe oo inta badan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin ay qorsheeyeen inay gacanta ku dhigaan.

Dhanka kale DFS iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa loolan adag uga jira gacan ku dhigista Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubada Dhexe oo ah Caasimadda Dastuuriga ee Jubbaland oo ay maamulaan Al-Shabaab.