Jecliyaa Quruxda Cadale balse Necbiyaa Horumar La’aanta Degmadaas!!!

Waa Degmo Go’doon ah, Colaad Sokeeye ayaa la degtay, waddooyinkeedii ayaa wali Xiran, waxaa Haawanayo qeybo ka mid ah guryihii reer Cadale, bacaad ayaa asaageeda ka reebay, qofkii mar booqdo mar labaad uma xiisayo, Cabsi, rafaad & Jug-jug ayaa ka horeysa inaad tagto Degmadaasi.

Dad badan ayaa Cadale ka qaxay, Muqdisho, Jowhar iyo qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Degmadaas ayaa loo kala hayaamay, qoys walba halkii uu Nabad iyo Nolol ka helayo ayuu afka saarey! Xaalad ciriiri ah iyo nolol adag ayay ku sugan yihiin bulshada wali ku nool gudaha Degmadaasi.

Inkasta oo Cadale ay faceeda ka hartay ayaa haddana waxaa Degmadaasi loogu gali karin dhinaca Quruxda iyo Dalxiiska oo ay caan ku tahay, muuqaallo soo jiidanayo indhahaaga ayaa ka helaysaa Cadale, Xeeb lagu raaxeysto iyo Dhir qurux badan ayaa ugu tagaysaa, ha ka tagin ayaa ku qabanaysa bilicda ay Degmadaasi leedahay darteed!

Mar aan dhawaan si Kadis ah ku booqday Degmadaasi waxaa iiga muuqanayay Cidlanimo, dad kooban ayaa ku arkay, akhyaar badan oo aad looga yaqiinay Degmadaasi ayaa halkaasi ka guurtay, duruuf ayaa inta badan magaaladaas iiga muuqatey!

Xaqiiqdii Horumar la sheegi karo halkaasi kama soo arag marka laga reebo dhawr Mashruuc oo la ii sheegay inay halkaasi ka bilowday Hirshabeelle.

Baahida ugu weyn ee ka jirta Degmadaasi waa #Dib_u_heshiisiin dhab ah oo la dhex dhigo bulshada reer Cadale, hubaashii haddii aan la #Nabadeyn shacbiga Degmadaasi halka hoose oo ay Cadale maanta Joogto waa ka sii hoos mari doontaa!

WD:C/laahi Shiiqaaloow