Dagaal Beeleed saakay ka qarxay duleedka Magaalada Kismaayo ee G/J/Hoose.

Kismaayo:-Dagaal u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa saakay waxaa uu ka socdaa duleedka magaalada kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dagaalka uu ka socdo deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Inta la xaqiijiyay afar ayaa ku geeriyooday, halka tiro intaasi badana ay ku dhaawacmeen, sida ay KNN u sheegeen dadka deegaanka.

Dhanka kale ma jiraan xog intaasi ka dheer oo saakay laga helayo dagaalka.