War Deg Deg ah: Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay Garoonka Doolow.

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in Ammaanka Garoonka ay la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Ciidankaan ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Ciidamo ka tirsan dowladda oo bilooyin ka hor la geeyay gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidankan ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada sugi doona Ammaanka Dollow.

Ciidankaan Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay inay shalay ka soo talaabeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa horay garoonka Doolow ugala wareegtay Ciidanka maamulka Jubbaland kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.