Howlgal ciidamada Dowladda ka fuliyeen J/hoose oo lagu dilay xubno Shabaab ka tirsan

Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxay howlgal ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyagoona dilay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Wakaaladda wararka SONA SONNA ayaa sheegtay in dagaalyahanada lam dilay ay ku jiraan rag ajaanib ah sida uu sheegay taliyaha Guutada 1-aad ee Kumaandooska xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdimaalik.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay fashiliyeen ilaa laba gaari oo noocoodu yahay UD oo lagu diyaarinayay walxaha qarxa oo ay Al-Shabaab dooneysay inay la beegsato shacabka ku dhaqan gobolka Jubada Hoose.

Dhinaca kale howlgalada ciidamada Dowladda federaalka oo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka ee AFRCOM ayaa kordhiyay howlgalada ay ka wadaan gudaha dalka, gaar ahaan gobolada dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ma jirto ilaa iyo iminka wax war ah oo uu ka soo saaray howlgalkaasi inay ku geeriyoodeen xubno ajaanib ah oo ka barbar dagaalama, iyadoo ay sii kordhayaan tirada qasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya duqeymaha dhinac cirka ah ee ciidamada AFRICOM fuliyaan.