Ciidanka Dowladda oo gacanta ku soo dhigay Horjoogihii Shabaabka u qaabilsanaa Janaale.

Janaale:-Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigay Horjoogihii Al-shabab u qaabilsanaa saldhiga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Wararka laga helaayo Deegaankaasi ayaa intaasi ku daray in Horjoogahaasi ay Ciidamadu ka soo qabteen Guri uu kaga dhuumaalaysanyey Janaale, waxaana la soo sheegayaa in hadda lagu hayo Saldhigga Ciidanka Xoogga dalka ee Janaale.

Wariyaha Warbaahinta Ciidamada Cabdi Waaxid Axmed Geeddi oo la socda Ciidanka ayaa waxa uu sheegay in Horjoogahaan ay qabteen ciidamada uu ka qeyb qaatay dagaalo badan oo ka dhacay dalka.

Wariyuhu waaa kaloo uu soo sheegay in howlgalada ciidamadu ka wadaan Janaale ay ku soo qabteen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad badan, halka kuwo kale oo isku dayey inay ciidamada Xoogga dalka la dagaalamaan la dilay.

Beryahaan waxaa sii kordhaya guulaha ciidamadu ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab.