Saraakiil Al-Shabaab ah oo lagu dilay howgal ka dhacay nawaaxiga Jannaale

Muqdisho:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, S/guuto; C/xamiid Maxamed Dirir, ayaa sheegay in weerar ka dhacay nawaaxiga Jannaale lagu dilay, Muxyidiin Sheekh Cabdi (Al-anzaari) oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Jannaale iyo Aw-dheegle iyo Laba kale oo uu sheegay in ay dib ka baahin doonaan Magacyadooda.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howl-galka uu Xalay ka dhacay ka dhacay degaanno ku dhow-dhow Jannaale, halkaas oo ay u firxadeen nabad-diidku markii looga itaal roonaaday weerar qorsheysan oo Ciidanku ka fuliyeen halkaasi.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay Shacabka kusoo wargeliyeen goobaha ay ku dhuumaalaysanayeen firxadka Al-Shabaab, haatanna ay kusii raad-joogaan haraadigooda.