Mareykanka oo Duqeeyay Deegaan ay isku Aruursanayeen Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in la duqeeyay Goob Al-Shabaab isku aruursanayeen oo ku taala meel ku dhow Deegaanka Janaale ee Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqaynta iskaashi lagala sameeyey hawlgalka Amisom iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo degaankaas hawlgal kawada.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in duqaynta lala beegsaday Al-Shabaab xilli ay isku soo urursanayeen, dhaqdhaqaaqyana ka wadeen goobta hawlgalka ay ka wadaan ciidamada ay horseedka ka yihiin Soomaalida.

Mareykanka ma uusan shaacinin khasaaraha ka dhashay duqeynta dhacday iyo khasaaraha soo gaaray shacabka.