Madaxweyne Deni oo muqdisho lagu wado inuu yimaado maalmaha soo socda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyay in uu markii u horraysay socdaal ku tegi doono magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Madaxweyne Deni, ayaa la sheegay in Muqdisho uu kula kulmi doono madaxda dowladda Federaalka, halka uu caasimadaha dowlad goboleedyada dalka kulamo kala duwan kula soo qaadan doono madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Arintaan ayaa timid kadib kulan dhexmaray Isaga Iyo wasiiradda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Puntland ayaa kamid ah Maamuladda sida weyn u diidan Dowladda Soomaaliya,dhawaan waxa ay soo saareen war-murtiyeed lagu dhaceynayay Dowladda Dhexe.