Geeri xanuun badan! Aaskii Ilyas Sheekh Abdirahman Sh.M. Celi ee Gothenburg Sweden

Waxaa magaalada Göteborg lagu aasay maanta oo jimco ah allaha u naxariistee Marxuum Ilyes Sheikh Abdirahaman Sheikh Muhdiin Celi kadib markii dhoor habeen ka hor lagu dilay magaalada Göteborg xaafada Hisngen.

Sheikh Abdirahamaan Muhdiin Celi oo ah aabaha dhalay marxuum ilyes kana mid ah Culimada magaalada Göteborg oo bahada saxaafada la hadlay duugta kadib ayaa wuxuu sheegay in uu aad ugu xun yahay uguna murugsan yahay dhiiga dhalin yarada Somaliyeed ku daadanaayo sida micna darada ah wuxuuna yiri wiilkeyga ilyes kadib ma rabo in Hooyo iyo Aabe Somaliyeed caruurtooda si micna daro ah lagu dilo , sdioo kale sheikha wuxuu yiri waan cafiyay cida dishay wiilkeyga waxa aan u heesto ma jirto wiilkeyga waan wayay mana rabo in aabe kale wiilkiisa waayo.

Kadib waxaa saxaafada la hadlay Yonis Khaliif Hassan oo ka mid ah madaxada Ururka Isbaheysiga Umadda Somaliyeed wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo qaraabada marxuum ileys wuxuuna yiri ilyes waa wiil 16 jir ah wuxuu ahaa midka na duugi lahaa ee maahan midkaan duugi laheen allaha u naxariisto waa geeri xanuun badan ugu danbeen waxaan u baqayaa jaaliyada reer Göteborg in ee midnimo muujiyaan kana shaqeyaan badbaadada caruurteena Somaliyeed.

Ugu danbeen waxaa waxaa Meesha ka hadlay Xildhibaan Abdullah Mohmed oo ka mid ah Xildhibaanada golaha deegaanka xaafada Hisingen ee magaalada Göteborg wuxuu tacsi iyo murugta la wadaagay dhamaan dadka ka soo qeyb galay duugta wuxuuna sheegay in ee lagama maarmaan tahay in falkaan looga jawaabo si sharciga waafaqsan lagana shaqeeyo sidii dadka Somaliyeed midnimo u muujin lahayeen.

WQ Sabir Elmi Yusuf

Sabirelmi143@gmail.com

Radio Somaliweyn

Göteborg – Sweden