Wararkii ugu danbeeyay Diyaarad Rkaab siday oo laga celiyay Magaalada Hargeysa.

Diyaarad rakaab ah oo ka timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in saaka loo diiday inay ka degto garoonka diyaaradaha Cigaal International, magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo ay laheyd shirkadda Flydubia ay dib ugu laabatay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aan dajin rakaabkii ay siday.

Ma cadda sababta, balse waxaa la xiriirinayaa cabsida laga qabo faafitaanka cudurka Coronavirus oo haatan fara ba’an ku haya wadamo badan oo ku yaalla caalamka.

Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo maanta uu dhaqan galay go’aankii ay dowladda federaalka ku hakisay dhamaan duulimaadyada caalamiga ee ah Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aysan wax diyaarad ah ka soo dagin garoonka Aadan Cadde, kadib go’aankii dowladda ee Isniintii la soo dhaafay.

Wasaaradda gaadiidka ayaa shaacisay in xanibaada ay socon doono muddo illaa 15 cisho ah, sababo la xariira cudurka Coronavirus.

Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda uga hortageyso cudurkaan, iyadoo dhammaan albaabada isugu laabtay xirtay goobaha waxbarashada ee dalka.