Ciidamada NISA oo xirtay qayb ka mid wadada Maka Al Mukarama.

Kadib markii saaka aroortii qaraxyo lagu xiray baalayaasha Kaamirooyinka ee wadada Maka Al Mukarama, ayaa Ciidamada NISA waxa ay xirteen wadada si loo hagaajiyo Kaamirooyinka.

Ciidanka Waran ee ka tirsan Nabad Suggida ayaa gaadiidka gaashaaman waxa ay ku gooyeen wadada dabka illaa Sayidka, halkaasi oo laga hagaajinaayo kaamirooyinka.

Waa markii labaad oo Qaraxyo lagu xiro Tabeelayaasha ay ku xiran yihiin Kaamirooyink qarsoon ee wax duuba, kuwaasi oo Shabaab ay u arkaan caqabad wayn inay ku tahay shaqadooda amniyaadka.

Injineero ka tirsan Nabad Suggida Somaliya oo u tababaran hawlaha Kaamirada ayaa ku hawlan sameynta Kaamirooyinkaasi la qarxiyay oo shaqadii ay hayeen meesha ka baxday kadib qaraxyadii saaka lagu xiray.

Inta ay socota shaqada hagaajinta Kaamirooyinka ayaa la sheegayaa inay wadada u xirnaaneyso Ciidamada Nabad suggida, balse marka la hagaajiyo Kaamirooyinka dib loo furaayo wadada.

Illaa afar kaamiro ayaa la soo warinayaa in lagu xiray Qaraxyadii saaka aroortii dhawaaqooda laga maqlay Muqdisho.