Ciidamada Boliiska Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay nuucyo ka mid ah walxaha qarxa

Gaalkacyo:-Ciidanka Booliiska Fadaraalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo oo mudooyinkaan waday howlgallo Lagu Xaqiijinayo amniga ayaa maanta Ku guuleeystay in ay gacanta Ku dhigaan Jaakad ah nuuca loo adeegsado qaraxyada abaabulan.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Mudug G/Dhaxe Qaasim Sheekh Doon Cali oo La hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalkaan Lagu Soo qabtay Jaakadaan nooca qaraxyada Loo isticmaalo

Gudoomiyaha Gobalka Mudug C.Raxmaan Cali Diiriye Isxal oo isna la hadlay Warbaahinta Qaranka Ayaa bogaadiyay dadaalka Ciidanka Booliiska ee Ku aadan Sugidda amniga