Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo magacaabay taliyeyaal cusub

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeyo Gaas Cabdi Xasan
Maxamed Xijaar ayaa Taliye Cusub u Magacaabay Ciidanka Booliska
maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed loogu magacaabay inuu noqdo Gaashaanle Sare Cabdi Ibraahim Shaamow oo loo yaqaano (Cabdi Dheere),
isagoo bedelaya Taliyihii hore ee Ciidankaas.

Sidoo kale Wareegatada ayaa waxaa lagu magacaabay taliyaha Cusub ee
qeybta Booliska Sh/ Hoos, Taliyaha laanta Booliska dambiyada Gobolka Baay iyo saraakiil kale oo la shaqeyneysa.

Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu amray taliyeyaasha cusub inay si
deg-deg ah xilalka ula wareegaan, si loo dardar galiyo howlaha
Booliska ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka daawo Magacaabista Taliyaha Booliiska:-