RW Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Itoobiya.

Muqusho:- Ra’iisul Wasaaraha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
mudane Hassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saaka ka
dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo
u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga R/wasaaraha oo ay garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyeen
xubno ka tirsan dowladda,waxa ay kulamo la xiriira xoojinta xiriirka
labada dal la yeelan doonaan madaxda dalka Itoobiya oo qaar ka mid ah xubnaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.