Maxaa keenay shakiga cusub ee laga muujiyay hoggaaminta madaxda Villa Somalia?!!

Tan iyo markii uu curtay sanadkan cusub ee 2020-ka waxaa sii kordhayay shaki laga muujiyay hoggaaminta madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisal Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre, kaddib markii ay labadoodaba la soo baxeen xeelado aan horay looga baran madaxdii iyaga uga horeysay talada madaxtooyada Villa Somalia.

Hadaan wax yar ka taabano arrimaha ugu waaweyn ee keenay shakiga madaxweynaha iyo ra’iisal Wasaaraha oo muddo xileedkooda ka harsan tahay wax ka yar sanad laga muujiyay waxaa ka mid ah iyagoo go’aano culus ka qaatay gebi ahaanba joojiyay wadahadallo ay la galaan madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre waxay bilaabeen inay adkeeyaan wada shaqeyntooda, iyagoo markii ugu horeysay bilaabay inay wadajir u booqdaan xarumaha Dowladda, sida xeryaha ciidamada, Wasaaradaha iyo goobaha kale ee ay ka socdaan dib u dhiska dalka ee lagu dhisayo ololaha IS XILQAAN ee uu horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha.

Inkasta oo lagu dhaliilo Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Farmaajo inay ka gaabisay inta badan waxqabadkii looga fadhiyay sida ammaanka, garsoorka, la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, daryeelka bulshada sida helitaanka waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah, xasilooni siyaasadeed oo dalka ka dhacda iyo arrimo kale.

Qaar ka mid ah aragtiyaha laga muujiyay isbedelka ku yimid hab maamulka dowliga ah ee ay hor kacayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamaya walaac iyo shaki weyn oo laga muujiyay inay afgembiyaan talada dalka xilli dhowrna laga cabsi qabo inay la wareegaan gacan ku heynta gobolada dhaca Koonfurta, Bariga iyo Bartamaha Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee milateriga Soomaaliya ka wadaan gobolada Gedo, xuduuda Kenya iyo Jubbooyinka ayaa u muuqda kuwo dowladda federaalka ku ballaarineyso awoodeeda, hase yeeshee hoggaamiyaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) ayaa khudbad uu dhowaan ka jeediyay magaalada Kismaayo waxa uu si cad u sheegay in dowladda federaalka dullaan ku tahay maamulkiisa.

Dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa qaaday tallaabadii labaad oo ay culeys ku saareyso madaxda maamul goboleedyada ee uu kala dhaxeeyo khilaafka soo jireenka ah, isla markaana marar badan ku celceliyay inay iyagu maamulaan dalka intiisa badan, halka ay aamisan yihiin in awooda dowladda dhexe ee federaalka ku kooban tahay gobolka Banaadir iyo hareerihiisa taladana ay ka go’do iyaga oo kaliya.

Loolanka awooda dalka ee u dhaxeeya Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa u muuqda mid meesha ka sii baxaya sanadkan cusub ee 2020-ka, bacdamaa 5-ta dowlad goboleed ee ka dhisan dalka intooda badan u wareegeen dhinaca dowladda dhexe, iyadoo 2-da maamul ee Puntland iyo Jubaland ay baaqi ku noqdeen khilaafka kala dhaxeeya maamulka Villa Somalia.

Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee wakhtigeedu gabaabsiga yahay ayaa bilowgii sanadkan 2020-ka ku guuleysatay dhismaha maamul cusub oo ay yeeshaan shacabka ku dhaqan degaanada Galmudug, kaddib markii ay cagta marisay xoogagii Ahlu Sunna kaddib iska hor imaad saacado socday oo Dhuusamareeb ku dhex maray ciidamada Dowladda iyo dagaalyahanada ururka Ahlu Sunna, taasi oo sababtay in hoggaamiyaha ururkaasi Macallim Maxamuud, Sheekh Axmed Shaakir iyo saraakiil sarsare si cad u sheegeen in laga guuleystay.

Sida muuqata tallaabooyinka ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya iyo wixii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa farriin cad u diraya maamullada Axmed Madoobe iyo Saciid Dani ee ka arrimiya Jubaland iyo Puntland kuwaasi oo iyagu haatan isku xulafeysanaya sidii ay uga hortegi lahaayeen dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay dowladdu ka waddo degaanadooda.

Wada shaqeynta nooceeda aan horay looga baran madaxweynayaashii ra’iisal wasaarayaashii ka horeysay Farmaajo iyo Kheyre ayaan iminka la ogeyn halka uu ku dambeynayo bacdamaa mudada halka sano ah ee xukunkooda ka hartay aanay weli ku dhawaaqin qaabka uu noqonayo hankooda siyaasadeed.

Dhaqdhaqaaqyada ay wadaan madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkii aynu soo dhaafnay waxay magaalada Stanbul ee wadanka Turkiga uga dhawaaqeen hal xisbi oo ay ku mideysan yihiin 6-xisbi siyaasadeed oo mucaarad ku ah dowladdan xilligeeda sii dhammaanayo, hase yeeshee su’aalo badan ayaa ku wareegsan xisbigaas oo shaki weyn ka muujiyay aamusnaanta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre xilli dalka uu marayo marxalad kala guur ah.

3-da bil ee aanu ka joogno sanadkan 2020-ka wixii ka dambeeya shaki kuma jiro akhristow in dalka ay ka dhacayaan isbedello iyo dhaqdhaqaaqyo ku cusub saaxadda siyaasadeed ee Soomaaliya kuwaasi oo ay ku dhaqaaqayaan madaxda ugu sareysa xukuumadda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka isla markaana dhinac kasta ku doonayo inuu ku tiigsado himiladiisa.

Isku soo duub waxyaabihii laga bartay nidaamka federaaliga ah ee Soomaaliya ka jira balse ka duwan nidaamka federaalka ee dalalka caalamka, bacdamaa caqabdda ugu weyn dowladnimada Soomaaliya noqotay khilaafka madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada federaaliga ah kaasi oo xukuumadda madaxweyne Farmaajo dhabarka u xiratay inay meesha ka saarto isla markaana awooda dalka gacanta ku dhigto dowladda dhexe oo kaliya.

Runta biyo kama dhibcaanka ahi waxay tahay in Farmaajo iyo Kheyre ay dhabaha u sii xaarayaan madaxda iyaga ka dambeysa, bacdamaa ay albaabka u laabeen muddo 30-sano ah kaddib gorgortan ka galaan soo celinta qaranimadii ay ku faani jirtay Soomaalida si ay u qanciyaan dagaal oogeyaal gashan shaar qabiil xitaa haddii uu madaxweyne ka yahay mid ka mid ah dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre casharo lama ilaawaan ah ayay u dhigeen siyaasadda Soomaaliya, iyagoona soo kordhiyay dhaqamo ku cusub dowladnimada dalka sida iyagoo gebi ahaanba meesha ka saaray faragelinta dowladaha shisheeye marka ay is khilaafaan madaxda Soomaalida taasi oo lagu quustay markii dowladda Soomaaliya ku amartay wakiilkii QM ee Nicholas Hysom inuu 24-saac dalka uga baxo iyadoo loo cuskaday sharciga caalamiga ah ee diblomaasiyiinta “Persona Non Gratta”.

Daruuraha dowladnimada Soomaaliya oo iminka dul hoganaya gobolada Jubbooyinka iyo Puntland, shaki kuma jiro in hoggaamiyaha aqlabiyadda shacabka Madaxweyne Farmaajo cagta mariyo sanadkaan gudihiisa maamulada macangagga ah ee Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni isla markaana shacabka goboladaasi uu Allah SWT u furo faxdi kheyr qaba iyo inay madax u noqdaan hoggaamiyeyaal u dhimriya oo aan ku caasiyoobin madaxda iyaga ka sarreysa ee ka arrimisa xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Si kastaba ha ahaatee iskoorka hoggaaminta dowladnimada oo ay u dhigeen Farmaajo iyo Kheyre dalka marka loo eego madaxdii iyaga ka horeysay sida muuqata waxay jaha wareer aan caadi ahayn ku keentay dhammaanba kooxaha mucaaradka ah, kuwaasi oo dantu bidday inay u midoobaan sidii jilbaha dhulka looga dhigi lahaa xukuumadda xilli ay kala dhaceen xeero iyo fandhaal iyagoo ka cabsi qaba in dib loo soo doorto madaxda haatan heysa talada dalka.

Aad iyo aad ayaan uga xumahay in shaqsiyaad taariikh dahabi ah ka galay hoggaaminta Dowladnimada Soomaaliya sida madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud inay maanta dalka dib u celiyaan, isla markaana maciin bidaan kicin qabiil si loo rido dowladda wakhtigeeda dhammaaday amaba ugu yaraan taageero badan ugu helaan si ay u gaaraan danahooda guracan, balse farxad ayay ii tahay inay sii kordheyso tirada shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah inay si xor ah codkooda u siiyaan hoggaamiye karti u leh talada wadanka haddiiba ay suuragal noqoto doorasho dadweyne.

Waaya aragnimada shacabka ay ka kororsadeen wixii ka dhacay dalkooda mudadii 30-ka sano ahayd ayaa ifineysa rajo yididiilo leh iyo in Soomaaliya yeelato dowlad sal adag leh oo hoggaamiyaan madax ka madax bannaan nidaamka qabyaaladeysi, kooxeysi iyo qof jecleysi, waxaana marag ma doonto ah in su’aalo adag horyaalaan siyaasiyiinta u hanqal taageysa hoggaaminta madaxtinimada kuraasta dowladda taasi oo ka duwan qaababkii hore ee qabiilka, laaluushka iyo kooxeysiga ku saleysnaa.

Waxaa Qoray: Jabriil M. Nuur (Jabra)
Email: saxafi37@hotmail.com
Muqdisho – Soomaaliya