Dowladda Soomaaliya oo maanta ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaaraha Jamahuuriyadda Federaalka ah Mudane
Xasan Cali Khayre ayaa xalay shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay 5
Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa
COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan
goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo
maalinta Berrri ah, iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si
looga hortago faafidda caabuqa CONVID-19, wuxuuna muwaadiniinta faray
in la joojiyo kulamada waaweyn, iyo isku soo baxyada fagaarayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay saameynta
uu dhaqaalaha dalka ku yeelan karo caabuqaan iyo sida looga hortagi
lahaa, wuxuuna ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in
loo midoobo, ka hortagga caabuqan, isla markaana la raaco timaamaha
hey’adaha dowladda ee ku howlan howshan.

Dowladda ayaa ku howlan dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna
hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo.