Deg-Deg: Ciidamada Danab oo burburiyey saldhigyo Shabaab lahaayeen iyo dilal horjoogayaal

DEG DEG Dagaal Ciidamada Danab ku bur buriyeen Saldhigyo Al-Shabaab
lahaayeen & horjogayaal la dilay +Sawiro

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose gaar ahaan deegaanka Jannaale ayaa sheegaya in Ciidanka  danab ee xoogga dalka ay dileen 9 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al- Shabaab una qaabilsanaa deegaannadaasi

Maleeshiyaadkaasi ay  ciidamada  Danab Khaarijiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa laba horjooge oo kala ahaa Siciid dheere oo ahaa horjoogihii jabhadaha  Shabaab degaanka Ceel-saliini ilaa janaale iyo horjooge
Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka jannaale,waxeey sidoo kale ciidamadda Danab dileen afar maleeshiyaad ah oo la joogay xilliga la dilayay horjoogayaashaasi  sida uu u xaqiijiyay Idaacadda Ciidamadda
Qalabka Sida taliyaha guutada 16aad Danab xoogga dalka G/le Ismaaciil
Cabdilmaalik Maalin.