Warbixin ku saabsan Cabsi laga qabo in cunmo yari ay soo wajahdo Soomaaliya.

Muqdisho:-Waxaa sii xogeysanaya walaaca laga qabo caabuqa Coron virus oo adduunka oo dhan si xowli ah ugu faafaya,iyada oo dalal badan uu saameeyay xanuunkan ay la tacaalayaan,mana jirto ilaa iyo hadda daawo lagu bogsoon karo oo loo isticmaalo Corona.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in walaaca laga qabo Corono Virus inay hakad gali karaan Maraakiibta raashiinka usoo qaado Soomaaliya sida ay horay hakad u galeen Diyaaradaha iyadoo aysan Soomaaliya jirin Keyd raashiin ah.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in maalmaha soo socda ay suurtagal tahay in la hakiyo isu socodka Maraakiibta iyo Diyaaradaha.

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka soo koraya waxaa ay ku tiirsantahay cuntoonyinka uga yimaada Dibadda.

Waxa ay tilmaamayaan xeeldheerayaashu mar hadii uu istaago isku socodka dunida gaar ahaan Maraakiibta Cuntada keenta in qiimaha circa isku shareeri karo sicir bararna uu ka dhalan karo,iyaga oo sheegay in dad badan oo Soomaali ah ay halis u geli karaan nafaqo darro baahsan maadaama aysan Soomaaliya laheyn wershado ay uga maarmi karto waxyaabaha uga yimaada Dibadda.

Waa culeys weyn oo soo wajihi kara shacabka Soomaaliyeed, inta aan la hakin maraakiibta ka yimaada dalka dibadiisa.

Puntland ayaa mudo 30 cisho ah xeebaheeda ka mamnuucday Maraakiibta wada shixnadaha kaladuban ee ku soo xirta Dakada Boosaaso sida uu shegay Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga puntland