Turkish Airlines oo joojisay Duullimaadyadii ay Muqdisho ku imaan jirtay.

Shirkadda Turkish Airlines ayaa ku dhawaaqday in si KMG ah ay u joojisay duullimaadyadeeda Magaalada Muqdisho sabab la xiriirta kiiska Coronavirus ee laga helay Soomaaliya.

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in duullimaadka maanta ka baxaya Muqdisho uu noqonayo kii ugu dambeeyay muddo dhan 15-cishe ah.

“Xanibaadda lagu soo rogay diyaaradaha ayaa qayb ka ah ka hortagga faafitaanka COVID19, DFS waxa ay sheegtay in la joojiyay duullimaadyada caalamiga ah, kadib markii Soomaaliya laga helay qof qaba Coronavirus.

Sidoo kale qoraalka safaaradda waxaa lagu yiri “Turkish Airlines waxa ay hakineysaa duullimaadyadii Muqdisho shan iyo tobanka cisho ee ina soo aadan, diyaaradda waxa ay maanta oo talaado ah kuna beegan 17-ka Maarso qaadeysaa rakaab u socda Magaalada Istanbul”.

Amarka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada XFS shalay kasoo baxay ee lagu joojiyay duullimaadyada waxa uu dhaqan-gelayaa habeen dambe saq dhexe Xiliga geeska Afrika, waqtigaas oo ay taariikhdu isku rogeyso 19-ka Maarso.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa joojiyay duullimaadyada diyaaradaha caalamiga, waxaana go’aankaas ay sabab uga dhigeen in lagu yareynayo kahor tagga Caabuqa Coronavirus oo gaaray inta badan dalalka Caalamka.