Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay deegaanka Jannaale.

Jannaale:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose gaar ahaan deegaanka Jannaale ayaa sheegaya in Ciidanka danab ee xoogga dalka ay dileen lix xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al- Shabaab una qaabilsanaa deegaannadaasi

Maleeshiyaadkaasi ay ciidamada Danab Khaarijiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa laba horjooge oo kala ahaa Siciid dheere oo ahaa horjoogihii jabhadaha Shabaab degaanka Ceel-saliini ilaa janaale iyo horjooge Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka jannaale,waxeey sidoo kale ciidamadda Danab dileen afar maleeshiyaad ah oo la joogay xilliga la dilayay horjoogayaashaasi sida uu u xaqiijiyay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida taliyaha guutada 16aad Danab xoogga dalka G/le Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin.

Howgalka ciidanka xoogga dalka ay kula wareegen degaanka Jannaale ee gobolka shabeelada hoose ayaa waxaa qayb libaax ka qaatay ciidamada Danab iyo Gor-gor oo ka wada tirsan xoogga dalka, si wadajir ahna u howlgalayay.