Ciidamada Amniga Puntland oo sheegay in howlgal ay ku soo qabteen Maleeshiyaad ka tirsan Daacish iyo Al-Shabaab.

Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee loo soo gaabiyo PSF ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado katirsan Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari oo habeenadii ina dhaafay falalka amni darro kusii kordhayeen.

Ciidamada ayaa galay xaafado bartilmaameed u ah, waxaana goob ay isugu keeneen dad u badan dhalinyaro oo ay la xiriirinayaan in ay qayb ka yihiin falalka amni darrada ah ee Boosaaso ka dhacay 72-dii saac ee lasoo dhaafay.

Qoraal ka soo baxay Taliska PSF ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen xubno lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al-shabaab iyo Daacish oo ay baaris ku hayaan Hay’adaha ammaanka.

Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu sheegay in ciidanku labadii habeen ee la soo dhaafay ay hawlgallo ka wadeen gudaha Magaalada Boosaaso, si wax looga qabto falalka amniga liddiga ku ah ee ka dhacayay Magaalada.

Taliska PSF waxa ay intuu ku daray in hawlgalladaas oo lagu beegsanayo Daacish iyo Al-shabaab ay weli ka socdaan xaafadaha kala duwan ee Magaalada Boosaaso illaa inta amniga uu ka xasilayo.

Shacabka waxa uu taliska ka dalbaday in Hay’adaha amniga ay ka gacansiiyaan sidii ay ula wadaagi lahaayeen Xogaha dadka lagu tuhmayo in ay fulinayaan falalka amni darrada ah.

Dhanka kale Gelinkii dambe ee shalay Magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay Qarax nuuca dhajiska ah oo lagu xiray gaari uu leeyahay ganacsade, habeen hore waxaa Hoobiyaal lagu tuuray saldhig Ciidamada badda Puntland ay leeyihiin, halka habeenkii ka sii horeeyay miino lagu qarxiyay bar kontorool.