Fiiri Awooda Alle iyo Isbedlka dhici karo!!!

1–Abu Cabdiraxman Al asam ayaa la weeydiiyay.Uunka Alle yaa agtiisa ugu yar?. waxa uu ku jawaabay: Waa Aduunyo, Alle Agtiisana kama dhamo Garab Kaneeco.

waxa uu ku sii daray Abu Cabdiraxman, Anniga waxaa igala sii yar Aduunyada, Qofka ey Aduunyo la weeyn tagay.( F.S: 1& 2aad)

Anigana ( yaxya) ahaan, waxaan ku sii daray, Qofka ey la weeyn tahay Aduunyo, Qofka uu la sii weeyn yahay ayaa igala sii yar.

Aduunyo waa midii la Barbar dhigay Garab Kaneeco .Fiiri: Kitaabka “Riyaal’u Saalixiin” Bogga 219aad. ( F.S: 3 & 4aad).

2– Sannadkii 2019 , Shanta wadan ee la yiraa kuwa Dunida ugu xooga weyn. waxa ey Muwaadiniintooda ku lahaayeen: Ha tagina wadamada Aduunka ugu halista badan sida : Somalia, Afganistaan, yeman, Ciraaq, Suuriya ,koofurta Sudan, Pakistan, Congo iyo kuwa la mid ah.

Maanta, 2020 waxa ey leeyihiin ha tagina wadamada Aduunka ugu Halista badan, sida: Mareeykanka, Talyaaniga, Jarmalka, Shiinaha, Spain, Faransiiska, Norway, UK. iyo kuwa kale (F.S:5aad).

Awooda Alle iyo Isbadalka ayaa darsi noogu filan.

Fahanna waxaa noogu filan ka fiiri (F.S: 6aad).

FG: wixii aan ka khalday iga sax, wixii iga dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir