Al Shabaab oo ka baxday Deegaanka Janaale iyo Ciidamada Dowladda oo la wareegay.

Dagaalamayasha Al-shabaab ayaa sida la sheegayo waxa ay ka baxeen Gudaha Deegaanka Janaale Ee Gobolka SHabeelada Hoose ee Maamulka Koonfur galbeed.

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo ka baxay Degmada Awdhiigle ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay ku dhawadaan gudaha degmada Janaale oo Al-shabaab ay heestaan muddo tobon sanao ah

Ma cadda in Al-Shabaab ay toos uga baxeen aagga, iyo inay joogaan tuulooyinka ku hareereysan, oo tani ay xeelad tahay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidanka howlgalkaan wada ay yihiin kuwii laga qaaday Muqdisho kana tirsan Koofiya Casta, waxaana hogaaminaya saraakiil ay ku jiraan kuwii Marka ka qabtay Al-Shabaab