Wafdi ka socda Maamulka K/galbeed oo gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Xudur:- Wafdi oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta gaaray Xudur,wqaxaana Garoonka diyaraadaha magaaladaas ku soo dhoweeyay maamulka gobolka Bakool maamulada degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Soo dhoweyn iyo Salaan ka dib wafdiga waxa loo galbiyey guriga martida waxana kulan uu la qaatay maamulka oo uga warbixiyey ujeedka safarkooda.

Ujeedka safarka Wasiiradaha Ganacsiga, Beeraha iyo Waraabka, Xanaanada xoolaha, Cadaalada iyo Garsoorka, Tamarta iyo Kheyraadka biyaha, iyo Qorsheynta ayaa ahaa kormeerida waxqabadka mashruuca Somreb ee ka soo kabashada abaaraha deegaanada maamulka koofur galbeed.

Intaa ka dib Maamulka iyo wafdiga waxa ay booqdeen qaar ka mid ah beeraley mashruuca ka faa’ideystay, xarumo dad loo tababarey daaweynta xoolaha, dad shaqo abuur loo sameeyey, xaruuntii Maxkamada isxilqaanka lagu dhisayey iyo mashruuc laga fuliyey xaruunta seylada xoolaha lagu iibiyo ee magaalada xuddur.

Ugu horeyn, Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi ayaa warbixin guud ka siyey mashruucyada la fuliyey iyo meelaha u baahan in wax laga qabto

Maamulka Degmada Xuddur ayaa baaq u direy Hay’adaha samafalka in magaalada Xuddur ay xafiisyo ka furtaan maadaama kuwa hadda ka shaqeeya tiro ahaan aad u yaryihiin.

Gabagabadii, waxa kulanka ka hadlay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Axmed Madoobe Nuunow wuxuna umahadceliyey ha’adihii iyo wasaaradihii ka qeyb qaatay hirgelinta mashruucaan, wuxuna fariin udirey hay’adaha ku mideysan Somerb in ay kordhiyaan mashruucaan maadaama aad looga faa’ideystay