Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Tababar u furay Ciidamo ka mid noqonaya kuwa Haramcadka+Sawirro

Muqdisho:-Ciidankaan oo tira ahaan gaaraya 150 askari kana mid noqonaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo ka tirsan Boliiska Soomaaliya ayaa maanta waxaa tababar looga furay xarunta Turkisom ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo tababarka furay ayaa ciidamadaan cusub ku dhiirigeliyay u adeegida shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay doorteen in ay bulshadooda u adeegaan iyagoo heli kara shaqooyin kale.

Taliyaha ayaa Taraakiisha qaabilsan tababarka ciidamada ee isugu jiro Soomaali iyo Turkish uga mahadceliyay dadaalka ay geliyaan in ay soo saaraan dhallinyaro xirfad fiican u leh badbaadinta Shacabka.