Midowga Yurub oo war ka sooray xiisadda Soomaaliya iyo Kenya iyo khilaafka DF kala dhexeeya Maamu Goboledyada .

Muqdisho:-Midowga Yurub ayaa qoraal uu soo saaray walaac uga muujiyey xiisadda ka dhex oogan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyo tan dowladda federaalka kala dhaxeysa dowlad goboleeydada xubnaha ka ah.

“Xiisadda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya iyo ciidamada isku urursanaya gobolka Gedo waxay abuureen xasilooni darro iyo khasaare nafeed oo gaaray shacabka. Sidoo kale dagaalkii bishii tagtay dhamaadkeeda ka dhacay Galmudug wuxuu abuuray xiisad,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Si guud, xaaladahan waa kuwa halis ah, waxayna weecinayaan kheyraadkii militari ee howl-gallada lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ayaga oo halis gelinaya xasiloonida ay heshay Soomaaliya. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.”

Midowga Yurub ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagu qaboojinayo xiisadaha ka taagan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya iyo sidoo kale tan gobolka Gedo.

Ururka reer Yurub ayaa sidoo kale dowladda federaalka ka dalbaday wada-shaqeyn buuxda oo dhex-marta dhinacyada Soomaalida, si gaar ah dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo guud ahaan saaxiibada gobolka.

“Dhammaan dhinacyada ku lugta leh waa inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo qaboojiyo xiisadda, islamarkaana ay is-xakameeyaan, iyadoo la xushmeynayo madax-banaanida xuduudeeda ee dhinacyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ururka Midowga Yurub ayaa qoraalkan sheegay inay muhiim tahay xasilooni iyo wada-shaqeyn ku dhex marta dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, si loo dhowro xuduudaha ay wadaagaan iyo danaha ka dhaxeeya.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in taageerada militari iyo midda dhaqaale ee uu siiyo Soomaaliya ay ka dhigan tahay in la isla xisaabtamayo.

“Xaaladda militeri ee iminka waxay ku baaqeysa in wada-xaajood deg deg ah laga yeesho fulinta ahmiyadaha si wadajirka ah la isugu raacay ee siyaasaddda iyo amniga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Gaba-gabadii qoraalkan kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa lagu yiri, “Wada-xaajoodkan waa qodob muhiim ah, si loo sii wado xoojinta wada-shaqeynta wax ku oolka ah ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee ku dhisan isla xisaabtanka labada dhinac ah iyo iskaashiga.”